Shaakir oo eedeeyay dowladda federaalka iyo Galmudug

Image
Laba sano hor ayaa kooxda ka hayaantay degaanada maamulka balse dhowaan ayay hogaankeedu soo gurya noqdeen.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ku eedeeyay xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Galmudug.

Shaakir ayaa ka mid ah hoggaanka sare ee ururka Ahlu-Sunna oo dib ugu soo laabatay degaanada Galmudug kadib laba sano oo ay dibad-joog ka ahaayeen siyaasada maamulkaas.

Isaga oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in sababta ay Ahlu-Sunna ugu soo laabtay Galmudug ay tahay la dagaallanka maleeshiyada Al-shabaab.

"Galmudug waxay noqotay maamul dibada looga yimaado oo mas'uuliyada laga qaato haddana lala cararo oo aan waxba loogu qaban. Marka waain la helaa mas'uuliyiin ummada u adeegaysa oo wax u qabanaysa balse aan wax ka qabsan," ayuu yiri.

Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Jimcada shalay ahayd waxay ciidamo horleh ku daabushay magaala madaxda dowald goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Talaabadaas ayaa timid xilli dagaalameyaasha Ahlu Sunna ay dib-u-qabsatay xafiisyada dowlada ee magaalada ganacsiga ah ee Guriceel, sida ay sheegayaan wararka.

Laba sano hor ayaa kooxda ka hayaantay degaanada maamulka balse dhowaan ayay hogaankeedu soo gurya noqdeen. Soo laabashada waxay timid xilli dalka u dareeray doorashooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM