​Shabaab oo muddo kooban haysatay Ceel Waaq, Kenya oo ka hadashay

Image

CEEL WAAQ, Somalia- Ururka Al shabaab ayaa xalay mudo kooban la wareegay gacan ku haynta degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo, kadib Dagaal Culus oo ay la galeen ciidamada dowladda Somalia.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa GO u xaqiijiyay in Dagaalyahanada Al shabaab ay dhowr jiho kasoo weerareen degmadaasi, kahor inta aysan si buuxda u qabsan xaruumaha maamulka iyo Booliska.

Al shabaab ayaa markii ay qabsadeen Ceel Waaq, waxay xalay fiidkii masaajida kula hadleen boqolaal kamid ah dadka deegaan, oo ay uga digeen inay garab siiyaan ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Al shabaab ay si nabad ah uga baxeen degmada, kadib markii ay mudo ku dhawaad 8 sacaadood ah maamulayeen.

Ciidamada dowladda ayaa u cararay dhanka xadka Kenya, markii looga adkaadey dagaalka Ceel Waaq, oo ahaa mid aad u kulul, oo labada dhinac hubka culus isku adeegsadeen.

Is abaabul kadib, Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Kenya ayaa dib u qabsaday degmada Ceel Waaq, waxaana wararka ay sheegayaan in la wareegistooda aysan wax iska-caabin ah kala kulmin Al shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Somalia, balse war lagu baahiyay baraha Internetka oo kasoo baxay dowladda Kenya, ayaa lagu beeniyay in kooxda Shabaab gacanta ku dhigtay degmada Ceel Waaq.

” Degmada Ceel-Waaq waxaa gacanta ku haaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Kenya ,waxaan sheegayna in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Al-Shabaab ay xalay qabsadeen degmada,” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Al shabaab ayaa dhowr jeer oo hore la wareegay Degmada Ceel Waaq, oo ku taalla xadka kala qeybiya dalalka Somalia iyo Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM