​Shabaab oo sheegatay dilka Askar katirsan AMISOM

Image

MAHADAAY, Somalia- Al Shabaab ayaa sheegtay in 7 Askari oo katirsanaa ciidamada Burundi, ee qeybta ka ah AMISOM ku dileen weerar ka dhacay duleedka degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka dhanka howlgallada Kooxda Al Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa xusay in weerarka uu ku billowday qarax wadada qarkeeda lagu aasay, kaasi oo lala eegtay Kolonyo katirsan ciidamadaas.

Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay weerareen Kolonyo military oo ay ka socdeen AMISOM, xilli ay kasoo baxeen Biya Cadde, kuna sii jeedeen deegaanka Jahweyn, oo qiyaastii 8Km u jira degmada Mahadaay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Dagaal qaatey ku dhawaad Hal saac, uu ku dhaxeymaray goobta uu weerarka qaraxa ka dhacay Dagaalyahanadooda iyo ciidamada AMISOM.

AMISOM kama aysan hadlin Weerarka iyo sheegashada Al shabaab ee ah inay dileen 7 Askari oo u dhashay dalka Burundi, oo kamid ahaa howlgalka Midowga Africa ee Somalia.

Al Shabaab, ayaa howlgalkoodii u weecisay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah, waxaana warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ay sheegtay inay halis ku tahay wali ammaanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM