Shan eray oo Beesha Caalamka ku qeexdey shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaalida iyo dowladaha daneeya Soomaalia ayaa waxay si weyn isha ugu hayaan wadahadalada dib uga bilaabanaya caasimada Muqdisho kuwaasoo si gaar ah diiradda loogu saarayo xalka khilaafka doorashooyinka.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo madaxda maamulada oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, ay maanta yeelanayaan is-arag koowaad.

Dood badan kama taagna cida sugeysa amniga, waxaa iska kaashanaya Booliska Soomaaliya iyo AMISOM. Teendhada Afasiyooni ayaa martigelineysa kulanka oo ku dhextaala xeyndaabka xerada Xalane.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa daadihinaya shirka markii madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu "ku fashilmay" in dalka u jiheeyo doorasho. Kulankan waxaa bud-dhig u ah heshiiska 17-kii September.

Beesha Caalamka oo si weyn u taageertay wadaxaajoodyadan ayaa shan eray waxay ku qeexday kulanka qorshuhu ahaa in uu bilowdo 20-kii bishaan May balse dib ugu dhacay "arrimo farsamo iyo madaxda ka qeybgaleysa oo shaqooyin dheeriya galay".

Qaramada Midoobay oo hogaamiyeyaasha Soomaalida ku boorisay in ay si furan u wadahadlaan ayaa ku sifeysay is-aragan "fursad muhiim u ah nabadda iyo ammaanka Soomaaliya".

Ergayga Midowga Yurub, Nicolas Berlanga, ayaa kulanka ku qeexay "fursadii ugu dambeysay ee ay ku cadaan doonto cidda u tureysa mustaqbalka Soomaaliya".

Xafiiska Mareykanka ee Afrika ayaa ku tilmaamay shirka "fursad lagu dhameystiri karo heshiis doorasho oo u wanaagsan dadka iyo dalka Soomaaliyeed".

Xafiiska Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya ayaa wadahadaladda wuxuu u aqoonsaday "fursad muhiim ah oo ay tahay in aan marnaba la beel dareyn".

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah waxay u xuseen in shirka uu yahay "fursad muhiim u ah in Soomaaliya ay u dareerto doorashooyin saldhigoodu yahay heshiiska 17-kii September".

Dhamaadka kulankan ayaa lagu waddaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada ay isku afgarteen madaxda kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin qadiyadaha gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland, dhismaha guddiyada iyo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM