Shan Musharrax oo ka tanaasushay doorashada KG, taageerayna Roobow

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Qaar kamid ah Musharixiin madaxtinimada Koonfur Galbeed, ayaa isaga hartay tartanka doorashadda, taasoo la qorsheeyay inay dhacdo 5ta bisha December ee 2018.

Murashaxiinta oo ay tiradoodu gaareyso 5 ayaa ku midoobey koox la magac-baxday isbedal doonka Koonfur Galbeed, kuwaasoo mucaarad ku ahaa Madaxweynihii hore ee KG, Shariif Xasan oo bishan iska-casilay xilka, kana haray tartanka doorashada.

Sawir baraha bulshada lasoo dhigay ayaa muujinaya Mukhtaar Roobow oo hareerihiisu taagan yihiin 5 musharax, oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladdii Xasan Sheekh, kuwaasoo shaaciyay inay ka tanaasuleen tartanka doorashada KG.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Musharixiinta haray ay heshiis la galeen, Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo maanta loo cusbooneysiiyay shaahaadada murashaxnimo, kadib markii isbedel uu ku yimid Gudiga doorashada.

Murashaxiinta hartay waxaa kamid ah Yusuf Macalin Amiin Baadiyow iyo Eng Saalax Sheekh Cismaan, kuwaasi oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii ugu dambeeyay ee wadanka soo maray.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen dhamaantooda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayay kaga dhawaaqeen inay taageero u yihiin Mukhtaar Roobow, oo Xukuumadda Soomaaliya isku dayday inay k celiso tartanka.

Taageerada la siiyay Roobow iyo musharixiinta u tanaasulay, ayaa culeys saareysa qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay soo saarto musharax gaar ah.

Talaabadan ayaa dhimaysa tiradda murashaxiinta ku loolameysa doorashada 5-ta bisha dambe loo madal-san yahay, kuwaasi horey u ahaa 12, xili ay haatan kusoo harayaan afar ay labo kamid ah la sheegay inay taageerayso Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM