Shan qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ugu yaraan shan qof oo laba kamid ah ay rayid yihiin saddexda kalana askar ayaa lagu dilay weerar ay xalay Al-Shabaab ku ekeysay fariisin askarta ku leeyihiin degaanka Tabeelaha oo u dhaxeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadda la beegsaday ayaa kamid ah kuwa hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo ammaan.

"Sidoo kalel, dableyda Al-Shabaab waxay gubeen gaari nooca xamuulka qaada iyo baabuur kale oo nooca raaxadda ah," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay warsidaha GO. Wuxuu xusay: "Baabuurta cidna ma saarneyn".

Ma jiro war rasmi ah oo maamulka Koonfur Galbeed iyo maleyshiyadda Al-Shabaab kasoo saareen iska-hor-imaadkan daqiiqadaha kooban socday.

Weerarka gaadmada ah ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku beegsadeen fariisinka ayaa qeyb ka ah falal amni daro ee maleyshiyadda ka fulineyso koonfurta iyo bartamaha dalka oo isku diyaarinaya coddeyn xasaasi ah.

Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo wadahadalo looga arrin-sanayo habraaca loo marayo ayaa dib-uga-dhacay waqtigii loo balansanaa oo ahayd 8-da Febraayo oo waqti xaadirkan ay naga xigto laba maalmood oo qura.

Wadaxaajoodyadda ayaa ka socda caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo todobaadkan gudahiisa ay Al-Shabaab ku weerartay ku dhowaad 20 madfac. Dhacdooyinkaas waxay sababeen khasaaro geeri iyo dhaawac. Dhaawaca 5 qof waa la xaqiijiyey, balse waxaa wehliya burbur dhanka maaliyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhaweeyay heshiis lagu saxiixay Muqdisho

Ciidamada AUSSOM ee laga soo xulay Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, iyo Uganda waxay ka kooban yihiin 11,900 askari.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 02:12PM

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM