Shan qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ugu yaraan shan qof oo laba kamid ah ay rayid yihiin saddexda kalana askar ayaa lagu dilay weerar ay xalay Al-Shabaab ku ekeysay fariisin askarta ku leeyihiin degaanka Tabeelaha oo u dhaxeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadda la beegsaday ayaa kamid ah kuwa hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo ammaan.

"Sidoo kalel, dableyda Al-Shabaab waxay gubeen gaari nooca xamuulka qaada iyo baabuur kale oo nooca raaxadda ah," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay warsidaha GO. Wuxuu xusay: "Baabuurta cidna ma saarneyn".

Ma jiro war rasmi ah oo maamulka Koonfur Galbeed iyo maleyshiyadda Al-Shabaab kasoo saareen iska-hor-imaadkan daqiiqadaha kooban socday.

Weerarka gaadmada ah ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ku beegsadeen fariisinka ayaa qeyb ka ah falal amni daro ee maleyshiyadda ka fulineyso koonfurta iyo bartamaha dalka oo isku diyaarinaya coddeyn xasaasi ah.

Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo wadahadalo looga arrin-sanayo habraaca loo marayo ayaa dib-uga-dhacay waqtigii loo balansanaa oo ahayd 8-da Febraayo oo waqti xaadirkan ay naga xigto laba maalmood oo qura.

Wadaxaajoodyadda ayaa ka socda caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo todobaadkan gudahiisa ay Al-Shabaab ku weerartay ku dhowaad 20 madfac. Dhacdooyinkaas waxay sababeen khasaaro geeri iyo dhaawac. Dhaawaca 5 qof waa la xaqiijiyey, balse waxaa wehliya burbur dhanka maaliyada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM