Shaqo joojin lagu sameeyay ciidamo ka tirsan AMISOM

Image

07 September, 2015(GO)-Dowladda Uganda ayaa shaqadii ka joojisay 15 ka mid ah ciidamadeeda ka hawl-gala Somalia ee qaybta ka ah Midowga Afrika.

Ciidamadan ayaa waxaa ka mid ah saraakiil sar-sare waxaana lagu tuhmayaa inay ku kaceen xad-gudubyo ay ka mid tahay Kufsi loo gaystay haween Somaliyeed iyo tacadiyo kale.

Afhayeenka millateriga Uganda Pady Ankunda oo u waramayay Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in tallaabadan ula jeedaan sidii loo baari lahaa arinta ku saabsan kufsiga ay ka gaysteen Somalia.

“Waxaanu tallaabadan u sameynay qiimeyn guud oo aan ku sameynayno wax-qabadka ciidamadeenna, iyo walaaca laga qabo inay ku lug leeyihiin Kufsi loo gaystay haween Somaliyeed” Ayuu yiri Pady Ankunda.

Warbixin ay soo saartey Hay'adda u dooda xuquuqul Insaanka ee HRW ayaa lagu sheegay in kufsi loo geystay haween Somaliyeed oo xeryaha ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho u doontay Dawo iyo Cunno kuwaasi oo soo barakacay xilligii ay jireen Abaarihii ka dhacay Somalia 2011.

Inkastoo Midowga Afrika uu si adag u beeniyay eedeymaha Kufsiga ah ee ay ciidamada AMISOM kula kaceen Haweenkan Somaliyeed ayaa hadana guddoomiyaha Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma waxay horay u amartay in eedeymahan baaritaanno lagu sameeyo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Midoga Afrika lagu eedeeyo tacaddiyo ka dhaca Somalia, waxaana dhawaan magaalada Marka xasuuq ugu goysteen dad Shicib ah oo an waxba galabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM