Shariif: Dalkaan ma qaadi karo xil kordhin iyo boob doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxay si adag uga hor-yimideen muddo kororsi ay sheegeen in Golaha Shacabka maanta u sameynayo maamulka Farmaajo.

Guddoomiyaha isbaheysiga, Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ku daabacay bartiisa shaqsiga ah ee Facebook, ayaa talaabadaas wuxuu ku sifeeyay "xukun jaceyl iyo kursi isku dhejis".

“Waxaan ka digeynaa isku day kasta oo lagu doonayo muddo kordhin sharci darro ah maadaama waqtigii uu ka dhacay Madaxweynaha, goloyaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaa kaloo nasiib darra ah, iyadoo ay ku beegan tahay munaasabadda Ciidanka Xoogga Dalka ee 12 April in madaxtooyadu isku daydo in ay ku boobto awoodda ciidanka muddo kordhin aan sharci ahayn, taasoo keeneysa in dib loogu laabto dariiqii xumaa ee laga yimid".

"Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid," ayuu raaciyey.

Shariif ayaa tibaaxay: "Dalkaan ma qaadi karo xil kordhin iyo boob doorasho, dhaqaala ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba, waa dal dowladnimadiisa weli ay curdan tahay, oo ubaahan in laga fikiro cawaaqibka xun ee ka dhalan kara talaabooyinka aan ka fiirsashada lahayn ee madaxdii hore ay ku dhaqaaqayaan".

"Waxaan leenahay umadda Soomaaliyeed, Maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo Beesha Caalamkuba ha ogaadeen wixii ka dhasha muddo kororsigaas in aan lala wadaagi doonin Madaxdii hore ee ku fashilantay dowladnimadii lagu aaminay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Golaha Shacabka baarlamaanka federaaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa maanta la isugu yeeray kulan ajandahiisa lagu sheegay "ka doodista mooshin ku saabsan doorashooyinka Qaranka".

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo fara badan lagu daadiyey waddooyinka laga galo Madaxtooyadda iyo xarunta Golaha Shacabka. Talaabadan waxay sarre u qaadey walaaca dhinacyada naqdiya dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM