Shariif: Kama kaftameyno xorriyada sharciga balanqaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta marnaba kama gorgortameyso xorriyadaha uu dastuurka damaanad-qaadey, sidda uu shaaciyey guddoomiyaha Golahaas, Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya oo Sabtida maanta ah warbaahinta kula hadlay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa shaaciyey in banaanbaxyada sii socon doonan.

"Waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo. Arrinta xorriyadda Madasha waxay ka taagan tahay meesha ugu dambeysa waa lama taabtaan. Xuquuqda dastuuriga ah ee sharciga uu balanqaadey arrintaas diyaar uma nihin in aan ka kaftano," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Shariif oo xusay in ay ka tanaasuleen "danahooda gaarka ah" ayaa ku tartarsiisay ciidamadda in aanan loo adeegsan dano siyaasadeed oo shaqsi u gaar ah.

"Dalka in uu doorasho galo waxa ugu weyn ee ay tahay in maanta laga shaqeeyo taas waaye; yaa ku guuleysanaaya? macno gaar ah nooma sameyneyso," ayuu carabka ku adkeeyay.

Shariif oo ay shirka jaraa'id ku wehliyeen xubno kale oo musharaxiinta kamid ah ayaa ka shanqariyey in ay "aad iyo aad uga xun yihiin in naloo adeegsado ciidamadii aan hagar la'aanta ku dhisnay".

Jimcadii todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamadda dowladda Soomaaliya ay rasaas ooda uga qaadeen banaanbax ay horkacayeen musharaxiin madaxwayne kaasoo lagu dalbanayey doorasho daahfuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM