Shariif: Ma aqbaleyno ficilada kooxda kursi jacayl madax maray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada 2020-21, Shariif Sheekh Axmed, ayaa taageeray baaqyadda caalamiga ah ee ku saabsan in dalka uusan qaadi karin kororsi khilaafkana lagu dhameeyo wadahadal.

Dhawaqa Shariif ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii guddiga ugu sareeya Midowga Afrika ee dhanka amniga, nabada iyo siyaasadda uu cambaareeyay muddo kororsiga labada sano ee taliska Maxamed Farmaajo.

Shariif oo qoraal ku daabacay ciwaanadiisa shaqsiga ah ee baraha bulshadda ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba u dulqaadan doonin "talaabooyinka aan mas'uuliyadda ku dhisneyn ee kooxda yar ee talada haysa".

"Waxaan codkeyga ku biirinayaa taageerada baaqa golaha amniga ee Q.M, kan golaha amniga ee Midowga Africa, iyo baaqyada isxigxiga ee saaxiibada Soomaaliya ee caalamka oo ay si wadajir ah ugu cambaareeyen muddo kordhinta sharci darrada," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan markale ku celinayaa in Soomaaliya aysan qaadi karin xil kordhin oo ay tahay in heshiiskii September 2020 uu yahay dariiqa kaliya ee looga badbaadin karo Dalka inuu galo fowdo iyo amni darro caqabad ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka".

"Waxaan ugu baaqaynaa madaxda xilligoodu dhamaadey iyo maamulada sida indha la’aanta ah u taageerey iyagoon la tashan dadka ay matalaan inay ka fiirsadaan tallaabooyinka qaras iska tuurnimada ah oo ay qaadayaan," ayuu xusay.

Wuxuu tibaaxay: "Waxaan ugu baaqeynaa inay kusoo laabtaan miiska wada hadalka oo ay tahay in doorasho la aado sida ugu dhaqsaha badan".

"Dalkaan dowladnimadiisa jilcan meel fog baa laga keeney oo waqti, xoolo iyo nafba loo huray, sidaa awgeed marna lama aqbali doono ficillada aan mas’uuliyadda lahayn ee ay wadaan koox yar oo kursi jacayl uu madax maray," ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM