Shariif oo digniin kasoo saarey khilaafka Rooble iyo Farmaajo

Image
Image
Madaxwaynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaala madaxda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha golaha midowga musharaxiinta, ayaa ku tilmaamay khilaafka Farmaajo iyo Rooble "nasiib darro iyo mid niyad-jebinaya shacabka iyo daneeyeyaasha caalamiga ah".

Xal deg-deg ah ayuu Shariif Sheekh Axmed ku taliyey hogaanka waddanka in uu ka gaaro muranka daba-dheeraadey kahor inta uusan saameyn qabsoomida doorashooyinka heer federal ee waddnka galay.

Is-qabqabsiga madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ah haweenay ka tirsaneyd hay'ada sirdoonka qaranka oo la waayey in ka badan laba bilood kahor.

"Haku gabagabeynin khilaafkiina dagaal ee ku gabagabeeya in aad xalisaan oo aad dalka I jiheysaan doorashooyinka," ayuu raaciyey isaga oo hoosta ka xariiqay in diyaar u yihiin in ay ka qeyb-qaateen qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadda.

Shariif oo is-dul-taagay kiiska Ikraan ayaa cambaareeyay qaabka illaa haatan loo maareeyay. Qoyska Ikraan ayuu ku booriyey talaabooyinka illaa haatan ay qaadeen. Cadaalad ay hesho Ikraan ayuu carabka ku adkeeyay in ay muhiim ay tahay.

"Qofka hay’adaha amniga u shaqeeya haddii uusan nabad-helin, qofka kale ee [shacabka ahna] nabad ma helaayo," ayuu ka dhawaajiyey isaga oo caddeeyay in ay ka shaqeynayaan sidii ay Ikraan u heli lahayd cadaaladda.

Dhanka kale, Shariif ayaa dowlada Puntland ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadaneyso ololaha ka dhanka ah maleyshiyada Al-Shabaab ee gobolka Mudug. Galmudug ayuu sidoo kale ku ammaanay sida ay ugu jiheystay baacsiga kooxda argagixisada ah.

Hogaanka maamulka HirShabelle ayuu ku bogaadiyey tartanka furan ee uu darafyada siyaasadda uga dhex-abuuray liiska musharaxiinta sideeda kursi ee ku metelaya Aqalka Sare. Shalay ayuu madaxwayne Guudlaawe soo saarey liiska tartameyaasha.

Ugu dambeyntii, Shariif ayaa ku tartarsiiyey dhamaan madaxwayneyaasha maamulada waddanka in ay sii dhaqaajiyaan qabsoomida doorashooyinka waddanka kuwaasoo uu tibaaxay in ay muhiim u yihiin in dalka ka baxo mar-xalada adag uu wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku qotomo horumarinta wadashaqeynta.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:06PM