Shariif oo qaylo-dhaan kasoo saarey xaalada Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya haatanna ah musharax madaxwayne Shariif Sheekh Axmed ayaa qaylo-dhaan kasoo saarey xaaladda abaareed ee ka ooggan gobolka Gedo ee mamaulka Jubaland.

Shariif ayaa ugu baaqay cid kasta oo door ku yeelan karta xaaladda haatan taagan in ay gurmad deg-deg ah gaarsiiyaan dadka shacabka ah ee tabaaleysan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Shariif ayaa sidoo kale soo hadal-qaadey xakameynta safmarka Coronavirus, isaga oo ku taliyey in ka hortaga xooga la saaro.

"Ugu horeyn, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, xukuumadda xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo hay’adaha samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka," ayuu ku yiri qoraalka uu daabacay.

Wuxuu raaciyey: "Dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ayaa dhibaato xoogan ku haya bulshadeenna, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19 maadaama awoodda dowladdu ay kooban tahay".

"Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Wasaaradaha ay khuseyso ee Xukuumadda inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19, sida tallaaka iyo adeegyada kale ee daawo ee loo kaashan karo la tacaalidda xanuunka Coronaha," ayuu kusoo xiray.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali si furan waxa aysan uga hadlin xaaladda gobolka Gedo oo kahor inta aysan abaarto ka dhicin ay waqti badan gelisay in ay gacanta ku dhigto halkii ay ka qeyb-qaadan lahayd horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM