Shariif oo sameeyay balanqaad ku aadan doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta ayaa diyaar u ah in is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 laga heshiiyo kahor dhamaadka muddo xileedka dowladda, sidda uu sheegay Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa Isniinta maanta ah wuxuu wariyeyaasha ugu sheegay Muqdisho in uu damaanad-qaadayo in aysan jirin cid diyaar u ah xasilooni daro.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran ayaa kusoo biiray siyaasiyiinta saadaalineysa waxa dhici kara hadii la gaaro 8-da Febraayo ayadda oo aan heshiis laga gaarin geedi u socodka coddeynta heer qaran ee.

Sideeda Febraayo waxaa dhamaanaya muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne Farmaajo, waana maalintii xilka loo dhaariyey.

"Mararka qaar waxaa la is-waydiiyaa 8 February hadii la gaaro maxaa dhacaya? Annaga rajadeena waxaa waaye in kahor laga heshiiyo nidaamka doorashooyinka oo la gaaro 8 February ayadda oo laga heshiiyey doorashooyinka sidaasna doorashooyinka noogu qabsoomaan," ayuu Shariif tibaaxay.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Dhaqankii wanaagsanaa ee ah in afartii sanaba in doorasho aan laga daba-qeylin in ay dhacdo waa laga maarmaan in la joogteeyo oo kaas noo noqdo dhaqan siyaasi ah".

Wadahadalo ay hogaamiyeyaasha siyaasadda ka yeeshaan is-faham-waaga doorashooyinka ayuu mar kale cod dheer ku dalbadey.

Shariif ayaa meesha ka saarey "dacaayadaha" ay faafinayaan taageereyaasha Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku aadan in musharaxiinta madaxtinimadda ay ku howlan yihiin ka shaqeynayaan falal liddi ku ah nabad-gelyadda.

Hubanti la’aanta siyaasadda iyo doorashadda ayuu ka dhawaajiyey in ay kooxaha dowladda kasoo horjeeda uga faa'iideysanayaan in ay ku wiiqaan amniga, wuxuuna xusay in dhankooda ay xaqiijinta ka qeyb-qaadanayaan.

Al-Shabaab oo u muuqata mid ka faa'iideysaneysa habacsanaanta laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaybo kamid ah dalka ka fulisay falal ay ku beegsatay ciidamadda iyo dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM