Shariif Sheekh Axmed oo beeniyey "in uu tanaasulay"

Image
ayaa tibaaxay in uu wali u taagan yahay "tartan xor ah iyo adkeynta dimuqraadiyadda". [Photo: Himilo Qaran]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ahna musharax madaxwayne doorashada loo balansan yahay 10=ka October ayaa beeniyey in uu "ka tanaasulay tartanka".

Shariif oo haatan ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir isla markaana qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa tibaaxay in uu wali u taagan yahay "tartan xor ah iyo adkeynta dimuqraadiyadda".

"Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba  kajirin wararkaku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar".

Image

Inkasta oo Shariif uu ka gaabsadey in uu si toos carabaabo cidda la sheegay in uu u tanaasulay, waxaa saacadihii lasoo dhaafay la hadalhayey in uu tartanka uga harayo Xasan Sheekh Maxamuud awadii.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo wada jeeda mid kamid ah bulshooyinka Soomaaliyeed waxaana dhowaan ay socdaal wadajir ah ku tageen degmada Cadale ee Shabeellaha Dhexe.

Tartanka doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa aad u adag xagaagan. Xulista mudaneyaasha Aqalka Sare waxay asbuucii hore. Coddeynta madaxtinimadda waxaa loo balansan yahay 10-ka bisha October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM