​Shariif Xasan oo Baydhabo ku laabtay

Image

BAYDHABO, Somalia- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maana ku laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasoo ay soo dhaweyn ugu sameeyeen mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowlad goboleedkaas.

Shariif oo muddo ka maqnaa dalka Somalia, ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe wuxuuna tilmaamay inuu jiro kala aragti duwanaan labada dhinac ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaari doono arrintaas oo timid kadib markii uu khilaafay go’aankii dhex-dhexaadka ahaa dowladda Muqdishu ka istaagtay arrimaha Khaliijka.

Madaxweyne Shariif ayaa intaas ku daray in khilaafka siyaasadeed ee dalka intabadan soo noq-noqday balse looga gudbi karo wada-xaajood kaasna ay ku dedaalayso xukuumadda Baydhabo.

Shacabka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo inay ilaashadaan amniga ay haystaan isagoo xusay in dowladdu ka shaqayn doonto sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Wuxuu u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka soo dhaweeyay xilli uu kasoo laabta socdaal uu dhawaan ku tagay waddanka Imaaraadka Carabta.

Hadalka Shariif ayaa kusoo aadaya xilli la filayo inuu dib u dhac ku yimaado shirka Kismayo oo looga hadli lahaa khilaafaadka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka Somalia, kaasoo keenay in Madaxdii ka talinaysay Galmudug iyo HirShabeelle xilka laga qaado, halka Shariif Xasan uu qarka u saaranyahay arrintaas kadib markii Xildhibaano kasoo jeeday dowlad goboleedkaas ay ku goodiyeen inay xilka ka tuuri doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM