​Shariif Xasan oo Kismayo ka dagay [Sawirro]

Image
Image

KISMAYO, Somaliya- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta gaaray magaalada Kismay ee xarunta maamulka Jubbaland, xilli la filayo inuu dhawaan qabsoomo shir looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya xukuumadda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Wafdiga Shariif Xasan oo doonaya inay ka qayb galaan kulanka uu ku baaqay Axmed Madoobe ayaa soo dhaweyn diiran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Kismayo, waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jubbaland, xubno katirsan golayaasha dowlad goboleedkaas.

Labada hogaamiye ayaa kulan gaaban ku qaatay magaalada Kismayo kaasoo muhiimadiisa ahayd soo dhaweyn iyo kala warqaadasho, waxaana la filayaan in kulamo dambe labada mas’uul yeeshaan.

Shariif ayaa hordhac u ah wufuud kale oo la filayo in barri  ka yimaadaan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Lama oga in dowladda dhexe cid ka imaan doonto xilli ay ka caga-jiidayso shirkaas.

Shalay go’aan kasoo baxay maamulka Jubbaland waxaa lagu sheegay in shirkaas qabsoomi doono, halka Puntland golaheeda Wasiirrada ay iyaguna cod buuxa ku taageereen oo ay tilmaameen inay ka qayb gali doonaan.

Madoobe ayaa gogoshan dhigay xilli dowladda dhexe lagu eedeeyay inay wado ajandayaal siyaasadeed oo lagu carqaladaynayo maamullada dalka, taasoo ay qayb ka tahay xilalkii laga qaaday Madaxdii Galmudug iyo HirShabeelle.

Amniga Kismayo ayaa aad loo adkeeyay, waxayna diyaar garow ugu jirtaa qabashada labada arrimood oo waaweyn kuwaasoo kala ah; Shirka Madaxda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Somaliya iyo tartanka Cayaaraha Maamullada waddanka.

Sidoo kale magaalada Kismayo waxaa lagu sameeyay dib u qurxin gaar ahaan goobaha faras magaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM