Shariif Xasan oo maalgalin u raadinaya dekada magalaada Baraawe

Image

DUBAI - Shirkadda DP World ayaa ka aqbashay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan  inay Khubaro u soo dirto Dekedda yar ee ku taal magaalada Baraawe, kadib Kulan ay ku yeesheen Dubai Todobaadkan.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku codsaday DP World inay maalgashi ku samayso Dekedda Baraawe, si loo howlgeliyo, maadaama ay tahay mid aan shaqeyn 20-kii sano ee lasoo dhaafey.

Dekedda Baraawe, waa Il-dhaqaale, oo maamulkaasi muhiim u ah maamulka Shariif Xasan, waxayna ku taallaa Caasumadda Koonfur Galbeed. DP World ayuu raadinaya Madaxweynaha maamulkaas iney la wareegto  Dekedda Baraawe.

Shirkadda DP World ayaa horey heshiisyo ku saabsan horumarinta Dekedaha Boosaaso iyo Berbera ula gashay Somaliland iyo Puntland, waxayna hadda isha ku haysaa Dekedaha Kismaayo iyo Baraawe.

DP World oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa maalgashi xooggan ku sameynaysa Dekedaha maamul Goboleedyada, iyadoo ka faa'daysanaysa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Somalia iyo Imaaraadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM