Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab
MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay ciidamada qaranka iyo dhaqaalaha dowladda ka weecisay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab si loogu adeegsado ujeeddooyin siyaasadeed, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in dowladda ay tahay inay xoogga saarto la-dagaallanka Al-Shabaab halkii ay ciidamada iyo agabka dowladda uga adeegsan lahayd arrimo siyaasadeed, isagoo ka digay in taasi ay wiiqeyso dadaallada amniga dalka.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya iyadoo Puntland ay sheegtay inay fashilisay isku day ay ku eedeysay dowladda federaalka oo lagu doonayay in maleeshiyaad looga abaabulo gudaha deegaannadeeda si loo wiiqo amniga, xasilloonida iyo hay'adaha dowladnimada maamulka.
Arbacadii shalay, ciidamada Puntland ayaa howlgal ka fuliyay Gaalkacyo, halkaas oo ay ku qabteen 101 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxo hubeysan, halka 60 kale ay ku dhaawacmeen iska horimaadkii dhacay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Puntland. Ciidamadu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo ay ku jiraan qalab Boolis iyo qeyb ka mid ah agab ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ay maamulka Puntland sheegeen.
Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF, kuwaas oo Puntland ku tilmaantay maleeshiyaad ka baxay nidaamka amniga maamulka isla markaana khatar ku ahaa amniga magaalada ganacsiga ee Boosaaso. Hawlgalku wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay Puntland ku sheegtay inay ku soo afjareyso kooxaha hubeysan ee ka howlgala deegaannadeeda.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto dowladnimada, amniga iyo xasilloonida Puntland, isagoo sheegay in dowladdiisu aysan oggolaan doonin kooxo hubeysan ama cid kasta oo hurinaysa qalalaase gudaha maamulka.
GAROWE ONLINE