​Sheekh Shariif oo booqday dhaawacyada Qaraxii Hotel Dayax

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay Cusbitalka Madiina oo shalay la gaarsiiyay dhaawacyadii waxyeelladu kasoo gaartay qarax lala eegtay hotel Dayax.

Sheekh Shariif ayaa kormeer ku maray dhammaan qolalka ay yaallaan dadka bukaanka ee qaraxa dhibku kasoo gaaray, wuxuuna uga tacsiyeeyay falkaasi foosha xun ee ay ku kaceen kooxaha nabad diidka ah.

Mas'uulkan markii labaad u taagay xilka Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale la kulmay Maamulka cusbitalka Madiina gaar ahaan Dr Maxamed Yuusuf oo uga waramay xaalka bukaanka.

Hadal kooban oo Shariif iyo Dr Maxamed si wadajir ah u siiyeen warbaahinta waxay ku sheegeen inay ka xunyihiin weerarada lagu dhibaataynayo shacabka iyagoo EEBBE uga baryay inuu naxariistii dadkii dhintay halka kuwa kale u rajeeyeen bogsiimo dhakhso leh.

Waa mas'uulkii ugu horeeyay ee u tagay dadkii shalay lagu dhibaateeyay magaalada Muqdishu, wuxuuna booqday waxyar uun kadib markii uu iska diinwaangaliyay xarunta Villa Hargaysa ee ay ku shaqaynayaan Guddiga doorashada Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM