Sheekh Shariif oo ka degay Muqdisho iyo wasiiro soo dhaweeyay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sheekh Shariif Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gaarey magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Xukuumada federaalka ah ayaa soo dhawaynta Shariif u dirtay wasiiro uu horkacayo midka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo taageerayaasha Shariifka ayaa si lamida waxay qayb ka ahaayeen soo dhaweynta.

Madaxweynaha dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, ayaa ka mahad-celiyey soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay.

Shariif ayaa haatan ah hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, kaasi oo illaa iyo haatan aysan caddeyn aragtidiisa siyaasadeed ee xukuumadda haatan jirta.

Ujeedka uu dalka dib ugu soo laabtay ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qaybgalka shirwayne uu xisbigaasi ku qabsanayo Muqdisho, maalmaha soo aadan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu tegi doono madaxtooyada, halkaasi oo madaxda ugu sareysa dalka uu kulamo kula yeelan doono.

Waa markii labaad oo uu Muqdisho yimaado Shariif tan iyo doorashadii uu kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 8-dii Febraayo 2017.

Markii ugu dambeysay oo uu wadanka yimid waxay ahayd horaantii sanadkaan markaasi oo uu Garowe, caasimada dowladda Puntland, halkaasi oo uu uga qaybgalay caleema saarka madaxweyne Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM