Sheekh Shariif oo ka guuray aagga garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu waramay in uu ka guuray aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho una wareegay waqoyga magaala madaxda dalka.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka tahay qorshe musharaxiinta isugu balaarinayaan magaalada si ay cadaadiska ugu korrhiyaan maamulka Farmaajo ee ay ku eedeeyeen in aysan doorasho rabin.

"Sheekh Shariif wuxuu u guuray degmadda Cabdicasiis gaar ahaan meel ku dhow halka uu todobaadkii hore degay madaxweynihii xilka kala dambeyay Xasan Sheekh Maxamuud si gaar ah nawaaxiga isgoyska Mariina halkaasoo ciidamo badan isaga horumariyeen," ayay raaciyeen illo wareedyo.

Sida ay warbixinadda muujinayaan, musharaxiinta kale ayaa maalmaha soo aadan waxay dhankooda u guurayaan qeybaha gaar ahaan koonfurta oo uu horey u degay taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon.

Musharaxiinta ayaa badankooda waxay deganaayeen guryo isku dhow oo ku yaala xeyndaabka garoonka Aadan Cadde halkaasoo ay ku dhow yihiin baro ciidan oo ay maamusho dowladda federaalka ah ee waqtiga ka dhamaadey.

"Fulinta qorshahaan oo soo deg-degay markii maamulka Farmaajo uu muddo kororsi sharci darro ah ku sameystay laba sano waxay u muuqataa mid ay rabaan in ku cadaadiyaan taliska in uu miiska wadahadalka kusoo laabto dalkana ku hogaamiyo doorasho," ayuu yiri qof aad ugu dhow musharaxiinta.

Mucaaradka oo horey Farmaajo ugu aqoonsaday hogaamiye kooxeed ayaa ku eedeeyay in uu xukunka isku dhejinaayo isla markaana uusan diyaar u ahayn in waddanka galo doorasho daahfuran oo natiijadeeda lawada aqbalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM