Sheekh Shariif oo loo doortay gudoomiyaha Midowga Musharixiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa gudoomiye u doortey Shariif Sheekh Axmed, halka ay xogheyn u xusheen Xuseen Cabdi Xalane, iyaddoo Afhayeenka laga dhigay Ridwan Xirsi oo soo noqdey Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa soo noqday Wasiirka Maaliyadda, iyadoo Ridwaan isaga soo qabtay xilka ku xigeenka Ra'iisul wasaaraha dowladii uu hogaaminayay Xasan Sheekh ee soo shaqeysay 2012-2016.

Doorashadda hogaanka waxay imaanaysaa xili Musharixiinta maalintii 4aad shir uga socdo Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo muran uu ka taagan yahay gudiyadda maamulaya codbixinta.

Musharixiinta oo ay ku jiraan Madaxweyniyeyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa cadaadis ku saaraya Maamulka Farmaajo inuu dhiso gudi dhex-dhexaad ah, oo lagu kalsoonaan karo, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Soomaaliya ayaa ku jirta jawi doorasho oo jahwareer ka taagan yahay, iyadoo aan la ogeyn inay dowladda Federaalka iyo Maamullada ay bedeli doonaan xubnaha la sheegay inay yihiin askar NISA u shaqeeya iyo shaqaale dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 08:22PM

Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 12:49PM