​Sheekh Shariif "Saxiixa Badda waxba kama ogi" [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd ee dalka Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay muranka ka taagan biyaha Somalia ee u dhaxeeya dowladda Federalka iyo Kenya.

Shariif oo ka qayb galayay kulan su'aalo lagu weydiinayay oo ka qabsoomay magaalada Muqdishu todobaadkii hore, ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa muranka biyaha Somalia, isagoo si cad u sheegay inuusan arkin hishiis labada waddan dhexmaray.

"Ra'isal wasaarahaa idiin jawaabay, wasiirkaa idiin jawaabay, anigana ma arkin, warqad lagu saxiixay, meel lagu saxiixayna ma arag, waxna kama ogi,"Ayuu yiri Shariif.

Murashaxan u taagan madaxweynaha Somalia, ayaa eedda ku riixay Ra'isal wasaarihii xilligaas joogay Cumar Cabdirashiid iyo wasiirkii Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo dalbaday wixii la xiriira muranka in iyaga la weydiiyo.

"Haday fiicantahay dadkaas ayaa iska leh, haday xumaatana iyagaa iska leh,"Shariif ayaa sidaas hadalkiisa ku daray.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in muranka taagan la siyaasadeeyay islamarkaana hishiiska ku caddayn in badda Somalia la beeciyay ama la bixiyay laakiin uu qeexayay is-afgarad labada dhinac dhexmaray.

"Maxaa waxaa ku jirta bad la beeciyay, ma waxaa ku jirta bad la iibiyay, waxaas oo dhan kuma jiraan, Badda arrinteedu siyaasad weeye,,"Ayuu yiri Madaxweynihii hore Somalia.

Shariif ayaa sheegay inuusan garan karin sababta badda ka hadalkeeda loogu soo beegay imaanshihiisa dalka.

"MoU-gu Somalida xaq wuxuu u siinayaa inay qadiyadooda u wareejiyaan Hague, wuxuuna qayb ka yahay in dacwadda laga aqbalo,"Ayuu hadalkiisa ku daray.

Sheekh Shariif oo sii hadlayay, ayaa tilmaamay inuusan taageersanayn hishiiska labada dhinac, balse wuxuu ku macneeyay mid ay ku jirtay maslaxadda Badda Somalia maadama sida uu hadalka u dhigay [Memorandum of Understanding] ku cadyahay in labada dowladood kawada hadlaan muranka biyaha.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aaday xilli ay lasoo gaba gabeeyay dhagaysiga dacwadda Badda ee ka socotay dalka Holland, wuxuuna qayb ka ahaa mas'uuliyiinta lagu eedaynayay inay bixiyeen biyaha Somalia, waana markii ugu horraysay oo muranka badda ka hadlo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM