Sheekh Xasan Turki oo geeriyoodey

Image

May 28, 2015 (GO)- Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi (Turki) oo kamid ahaa saraakiisha Al-shabab ayaa xalay ku geeriyoodey deegaanka Hargeysa Yareey ee gobolka Jubbada Dhexe.

Geerida Xasan Turki waxaa xaqiijiyey af-hayeenka guud ee Al-shabaab Cali Dheere isagoo sheegay in muddooyinkii u dambeeyey uu ku xanuunsanayey deegaanka Hargeysa Yarey.

Xasan Turki oo xubin firfircoon ka ahaa dadkii asaasey ururrada jihaadiyiinta ah ee Geeska Afrika, waxaa si weyn u raadineysey Dowladda Maraykanka oo ku  eedeysey inuu martigeliyey xubnihii Al-qaacida ka tirsanaa ee fuliyey qaraxyadii lala beegsaday safaaradaha Maraykanka ee Darisalam iyo Nairobi.

Magaalada Qabri-dahar ee dhulka is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayuu ku dhashay, Sucuudigana muddo ayuu ku noolaa waxna wuu kusoo bartey.

Wuxuu xilal kasoo qabtey ururradii Al-itixaad iyo Xisbul Islaam, balse sanadihii u dambeeyey wuxuu kamid ahaa Al-shabab.

Xasan Turki oo ku geeriyoodey da'da 73 sano waxaa la sheegaa in uu labo mar tegey dalka Afghanistan, halkaasoo uu kula kulmey hoggaamiyihii hore ee Al-qaacida Osama Bin Laden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM