Shiinaha oo dunida u diray dalab la xiriira Soomaaliya

Image
Beijing ayaa baaqan dhex-marsiisay shir uu yeeshay golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in beesha caalamku ay wajahayso isbadal weyn oo ku saabsan qaab-dhismeedkooda amniga ee Soomaaliya.

Dai Bing ayaa hoosta ka xariiqay in cusboonaysiinta mudada howlgalka UNSOM ay tahay mid ku habboon in laga caawiyo dalka sidii uu ku gaari lahaa amniga iyo kala-guurka siyaasadeed.

Bing ayaa dhawaqan ka sheegay kulankii shalay uu golaha ammaanka ka yeeshay xaalada Soomaaliya kaasoo illaa May, 2022-ka lagu gaarsiiyey muda xileedka howlgalka UNSOM.

Shiinaha ayaa kamid ahaa wadamada u codeeyay qaraarka lagu cusbooneysiiyey muddo xileedka howlgalka kaasoo ka caawiya Soomaaliya dhanka siyaasada, amniga iyo dhinacyo kale.

Sannadkii 2015 -kii, Goluhu wuxuu  si aqlabiyad leh u meel -mariyey qaraar lagu kordhiyey Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ilaa 30 -ka Maarso, 2016 si loo taageero geeddi -socodka siyaasadeed ee dalka.

Golaha 15-ka dal ah ayaa sidoo kale dib-u-fasaxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ilaa May 30, 2016 kaasoo waqti-xaadirkan ay su'aal ka taagan tahay joogitaankiisa.

AMISOM ayaa ka kooban Kenya, Jabuuti, Uganda, Sierra Leone iyo Burundi oo ciidamo milateri ah geeyay Soomaaliya si ay ula diriraan xoogaga dagaalka kula jira dowladda ee Al Shabaab.

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM