Shil Gaari oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shil gaari oo geestay khasaaro ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ciisaley, kadib markii uu rogmaday Gaari nooca xamuul ah oo caano kasoo qaadey Ceel-Macaan, oo kusoo jeeday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha Garowe u xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 9 qof oo rag iyo dumar isagu jira, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Keysaney.

"Gaariga ayaa ku socday xawaare sare, iyadoo aan haysan wado nadiif ah, waxaana darawalka uu sameeyay mas'uuliyad darro oo dadka rakaab ah naftoodii halis geliyay", ayuu yiri ninkan oo magaciisa ka gaabsaday.

Shilka kadib, goobta waxaa gaarey dadka deegaanka oo u gurmaday dhaawacyada, oo ay usoo qaadeen Isbitaallada magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM