Shil Khasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Shil gaari oo gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay gudaha magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Somalia.

Shilka ayaa ka dhacay Wadada 21-ka October ee degmada Waaberi, kadib markii ay isku dhaceen Gaari nooca xamuulka qaada ah iyo NOAH, ay la socdeen dad shacab ah, sida Goob jooje uu u sheegay Garowe Online.

Goob joogaha ayaa xaqiijiyay Labo ruux, oo kamid ahaa dadkii saarnaa Gaariga NOAH-da ayaa ku geeriyoodeen isku dhaca baabuurtaas, iyadoo ay saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loola cararay Isbitaal goobta ka dhawaa.

Ciidamo katirsan kuwa waddooyinka dowladda Somalia ayaa xiray wadadaas shilka kadib, waxaana goobta ay ka jiideen labada gaari ee isku dhacday.

Shilalka noocan ah ayaa kusoo badanaya mudooyinkii dambe wadooyinka magaalada Muqdishu, waxaana loo sababeeyay gaadiidka oo aad u batay iyo waddooyinka oo qaybtood xiran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM

Ciidamada Mareykanka iyo Jubbaland oo Fuliyeen Duqeymo Cirka ah

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay hadda ku laabteen saldhigyada kadib duqeymaha.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 06:53AM