Shil Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaaliya - Shil gaari oo sababay khasaarooyinka isagu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa saaka oo Axad ah waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Somaaliya. 

Shilkan ayaa ka dhacay Isgoyska Nasiib-Buundo, ee degmada Shibis, kadib markii uu rogmadey Gaari noociisu yahay UD, oo wadey Shaqaalo ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. 

Saraakiisha maamulka degmada, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan hal ruux uu ku geeriyoodey Shilka Gaari, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 20 kale, kuwaasi oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Goob-joogiyaal, ayaa Warsidaha Garowe Online, u sheegay in ay arkeen saddex qof oo meyd ah, oo ah dadkii saarnaa Gaariga xamuulka ah, ee shilka galay.

Shilka kale ayaa ka dhacay Deegaanka Garasbaaley, ee duleedka Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen HOMY, iyo Gaari Dameer. Hal qof oo ah ninkii watey dameerka ayaa ku dhintay shilka.

GAROWEONLINE

Related Articles

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM