​Shimbir lagasoo safriyay China oo Muqdishu ku sugan

Image

MUQDISHU, Somalia- Baraha Internet-ka ayaa aad looga hadal hayaa arrin dad badan la fajacayaan, balse la xaqiijiyay inay run tahay, kadib markii Shimbir kasoo duulay halka dunida ugu dambaysa uu soo cago dhigtay dalka Somalia oo dhaca Gees-ka Africa.

Sida lagu baahiyay Majalada Africa Times, waxaa magaalada Muqdishu gaar ahaan xeebta ku sugan Shimbir lagu magacaabo Meng oo lagasoo diray Waqooyiga dalka China kaasoo iska leeyahay nin lagu magacaabo Terry Townshend oo ah Shimbire-dhaqaaleeye u dhashay dalka Britain.

Terry oo ku nool magaalada Beijing  ayaa u ololeeya bad-baadada deegaanka.

Shimbirkan oo qura uma uusan soo dirin Terry qaaradda Africa, balse waxaa weheliyay labo kale oo loo safriyay waddamada Kenya iyo Tanzania, kuwaasoo lagu kala magacaabo  Flappy  iyo Skybomb ,waxaana Flappy uu joogaa Kenya muddo bil ah isaga oo ka soo hormaray Meng, balse muddo 15 jeer ah, wuxuu soo galay Sohdinta dalka Somalia ka hor inta uusan Meng iman xeebaha bad-weynta India.

Flappy, ayaa dhowr jeer ka baxay khadka laga socday, maadama sida la sheegay uu hareer maray halkii loo soo diray.

Shimbirahan waxaa  la soo diray Bishii September ee Sanadkan, waxayna Meng ku qaadatay inuu yimaado waddanka Somalia masaafo dhan 3,400KM oo aan hakad lahayn ilaa Hindiya oo uu safarkiisa tooska ah ka soo billaabmay.

Noolaha loogu magac daray Meng, ayaa subaxnimadii Talaadada ka soo dagay xeebta Muqdishu, oo wali ku suganyahay.

Ninka xayawaankan usoo diray Africa, ayaa sheegay in uu ka leeyahay qorshe lagu horumarinayo degaanka iyo noolaha.

Shimbirka ayaa intii uu ku soo jiray Safarka waxaa uu la kulmay dabeyl aad u xoogbadan inkasta oo uu ugu dambeyntii yimid Muqdisho

Meng,oo micnaheedu yahay "Shimbirka Riyada", ayaa lagusoo xiray qalabka wax duuba isaga iyo kuwa kale ee la socday, waxa uuna ka mid yahay xeyn Shimbiro ah oo uu leeyahay Terry Townshend.

Mulkiilahan, ayaa aad usoo dhaweeyay guusha uu ka gaaray tijaabadiisa Africa.

Arrintan ayaa timid xilli dalka Somalia muddo dheer ku jiray bur-bur iyo dowlad la'aan, waxaana la rumaysanyahay in arrintan aysan ka war-qabin mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ee xafiiska hadda jooga.

Sannadkan gudihiisa ayay ahayd markii Maroodi isagoo yar ka safray Somalia uu kasoo laabtay dalka Kenya kaasoo muddo ku sugnaa gobollada Jubbooyinka inkastoo aysan jirin cid ka warqabta inuu joogo iyo in kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo  weerar ku dishay lix askari oo ka tirsan booliska Kenya

Al-Shabaab ayaa inta badan ku lug lahaa weerarro iyo carqalado ka dhaca  saameyn ku yeeshay Mandheera iyo Garissa.

  • Soomaliya

    24-03-2025

  • 07:08AM

Xasan Sheekh: Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib u habaynta Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    23-03-2025

  • 07:51PM