Wufuud ku wajahan Muqdisho iyo wadooyinka oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafuud ka kala socota Itoobiya iyo Eritrea, kuwaasoo ay kala hogaaminayaan wasiiradda arrimaha dibadda dalalkaasi, sida ay illo xog-ogaal ah u sheegeen Garowe Online.

Wadooyinka waaweyn ee caasimadda ayaa saaka la xiray, lana dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amaanka maadaama ay maanta imaanayaan magaalada wafuudda Itoobiya iyo Eritrea.

Isgoysda la xiray waxaa ka mid ah Banaadir, Zoobe, Dabka, Tarabuunka iyo kuwa kale, waxaana shacabka ay maalayaan lugtooda, oo ay ku gaarayaan goobahooda ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maadaama gaadiidka uusan shaqeyneynin.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo mas'uuliyiin kala oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo halkaasi u tagey soo dhaweynta wafuudda soo dageysa.

Safarka Wasiiradda Arrimaha dibadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa la sheegay inay hordhac u yihiin, islamarkaana ugu gogol-xaarayaan booqasho rasmi ah oo ay hogaamiyaasha dalalka ay ku imaanayaan Muqdisho, iyadoo wali waqtiga imaanshahooda la shaacin.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa bishii June booqasha saacadao qaadatey ku yimid caasimadda, oo uu kula kulmay Madaxweyne Farmaajo, oo kala saxiixdeen heshiisyo is-afgarad ah, oo maalgashi dhanka dekedaha Soomaaliya ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM