Shir dhexmaraya madaxda Soomaalida oo la muddeeyay
MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib fashilka kulamadii u dambeeyay ee madaxda maamuladda, Beesha Caalamka ayaa sare-u-qaadey cadaadiska hogaamiyeyaasha Soomaalida ku saareyso in ay muddo asbuuc ah xal uga gaaraan is-maan-dhaafka dhanka doorashooyinka.
Illo loo-qaateen ah waxay xaqiijiyeen haddii dedaaladda hadda socda ay guuldareystaan ay diblumaasiyiintu qorsheynayaan faragelin toos ay oo xaaladda cakiran ay ku sameeyaan.
Saacado kadib markii arrintan soo shaac-baxdey, Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa markii lixaad shir isugu yeeray madaxda maamulada iyo guddoomiyaha gobolka, sidda uu shaaciyey wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta, Cismaan Abuukar Dubbe, oo intaas ku daray in shirkan looga hadlayo fulinta heshiisyadda doorashooyinka.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir in ay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida oo bishu tahay 3da April 2021 Xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17kii September 2020 iyo 16 Febraayo 2021," ayuu Dubbe ku daabacay Facebook.
Fariinta ay Beesha Caalamka ku wargelisay madaxda Soomaalida ayaa lagu waramay in ay tahay in ay kala wareegeyso qabashada kulamada haddii xal degdeg ah ay gaari waayaan.
Geesta kale, Puntland ayaa dhinaceeda xaqiijisay in shir ay isugu imaanayaan madaxda maamulada xubnaha ka ah DFS iyo Madaxda DFS uu xerada Afisyoone ka furmayo 3 April,2021.
Qoraal lagu qorey bogga dowlada Puntland ee Facebook ayaa lagu sheegey in qaban qaabada shirka ay leedahay beesha caalamka iyadoo lagaga hadli doono Ajendaha shirka iyo sidii shir wadatashi u furmi lahaa.
"Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada," ayay Madaxtooyada Puntland tiri.
Doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacaan dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021. Balse, waxaa baajiyey in madaxda siyaasadda ay ku heshiin waayaan geedi-socodka ayna fuli waayeen heshiisyadii ay kala saxiixdeen.
GAROWE ONLINE