Shir Jaraa'id oo Cawad uga hadli lahaa "arrimo soo kordhay" oo baaqdey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxay xaqiijisay in dib loo dhigay shir jaraa'id oo wasiirka xiriirka caalamka, Axmed Ciise Cawad, ku qaban lahaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulan warbaahineedkaasi oo suxufiyiinta laga dalbadey in ay kasoo qeybgasho isla markaana loo mudeeyay labada duhurnimo (xiliga Geeska Afrika) maanta oo Arbaco ah ayuu Cawad laga hadli lahaa "arrimo soo kordhay".

Balse wasaaradda ayaa waxa aysan soo bandhigin sababta keentay baajinta balantii maanta iyo waqtiga kale oo ay la qabanayo kulankaasi si xogihii ugu dambeeyay ee arrimaha dibadda ula wadaagto dadweynaha.

"Wargelin muhiim ah. Waxa aan wargelinaynaa weriyeyaasha in aan dib u dhignay shirka jaraa'id illaa iyo waqti kale. Waad ku mahadsantihiin xiriirkiina," ayaa lagu yiri qoraalka gabagabada lasoo raaciyey calaamatul cajiib (!).

Lama ogga hadii shir-saxaafadeedka lasii qorsheeyay oo cilado gedaal kasoo baxay ay dib u dhac ku keeneen ama in uu ahaa "xeelad diblumaasiyadeed".

Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo udhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ku saabsan xuduud dhul badeed.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa la filayaa in bisha September ee sanadkan ay dib u bilowdo dacwada dhageysiga gal-dacwadeedkan oo so bilowday bishii Agoosto 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM