Shir ku saabsan Hiigsiga oo lagu qabanayo Kismaayo [Dhagayso]

Image

10 September, 2015(GO)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Amniga iyo arrimaha gudaha Jubbaland Cabdinuur Jaamac Jookar oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay in Kismayo taallo gogol loogu tala galay barnaamijka loogu magac darey New deal.

Jookar waxa uu tilmaamay in arrintani timi kadib markii DFS ku dhaqaaqday arrimo aan wafaqsanayn Dastuurka dalka oo sababtay inaysan ka qayb galin shir ka dhacay Muqdisho maamullada Puntland iyo Jubbaland kaasi oo ku saabsanaa barnamijka Hiigsiga cusub.

Dhinaac kale Agaasimaha ayaa sheegay in magalada Kismayo ka socoto qaban qaabada caleema saarka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe.

Ammaanka magalada Kismayo ayaa la adkeeyay iyadoo baaritaanno lagu sameynayo shacabka iyo guryahooda.

12 Sept,2015  ayaa qorshuhu yahay in caleema saarka Axmed Madoobe ka dhaco Kismayo waxaana ka qayb gali doona mas'uuliyiin ka socota DFS, maamullada dalka iyo xubno ka imaanaya IGAD iyo Qaramada Midoobay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM