Shir laga yeeshay xalka xiisada habraaca doorashooyinka

Image
Hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa isugu yimid kulan ay ku gorfeynayaan xalka is-qabqabsigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan ugu kulmay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho si ay uga shiraan masiirka doorashooyinka.

Qabsoomida coddeynta oo bilooyin kahor rajo fiican laga qabay in ay noqoto mid cadaalad ah oo waqtigeeda ku qabsoonta ayaa madmadow soo food-saartey markii muran uu ka dhashay habraac loo diyaariyey.

Habraacaas kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka oo laba casho ku shiray Muqdisho waxaa diidey Midowga Musharaxiinta kuwaasoo dalbadey in dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyo habraacaas.

Khilaafkan soo shaac-baxay ayaa dhabaha u xaarey kulan deg-deg ah oo fiidnimadii Isniinta Muqdisho ku dhexmara musharaxiinta iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka kaasoo is-faham kooban lagu gaarey.

Dhamaan xafiisyadda warfaafinta hogaamiyeyaasha wali fahfaahin kama bixin kulankan. Isku-dayo la doonayey in wax looga waydiiyo waxay xuseen in aysan haysan ogolaanshiyo ay tafaasiil ku dhiibaan.

Sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo xog-ogaal ah, dhinacyada ayaa kala magacaabay guddi ka kooban lix xubnood kuwaasoo kawada shaqeyn doona dib-u-qaabeyn lagu sameeyo habraacaas.

Si dhab ah looma ogga haddii isbedelka lagu sameyn doono habraaca iyo haddii sidiisa lagu dhaqan-gelin doono. Sidoo kale, waxaanan kala caddeyn haddii isbedelkaas lala wadaagi doono dadweynaha iyo warbaahinta.

Sida ku xusan jadwalkii soo baxay 27-dii May, 2021, doorashada madaxweynaha ayaa qabsoomeysa 10-ka October, 2021. Balse, waxaa su'aal la gelinayaa haddii ay suurtagal tahay maadaama waqtigu gabaabsi yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM