Shir looga hadlayay maalgashiga Somalia oo la soo gaba-gabeeyay [Dhagayso]

Image
Image

16 September, 2015(GO)-Shir looga hadlayay maalgashiga Soomalia ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa ka qayb galay  wasiiro ka tirsan xukuumadda Somalia, iyadoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisalaam Cumar Hadliye oo la hadlayay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkaasi, waxaana uu sheegay in labada dhinac kawada hadleen qaabkii ay isu dhaafsan lahaayeen wax-soosaarka iyo khayraadka.

Horey waxaa u jirey iskaashi labada dhinac ah, sida uu sheegay wasiir Hadliye.

Garoon diyaaradeed iyo waddooyin ayuu tilmaamay inay ka hirgalinayaa Muqdisho, kuwaasi oo looga golleeyahay isdhaafsiga badeecooyinka.

"Hadda waxaa jiro xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya Imaaraatka iyo Somalia, waxaan iska kaashanaa xaga amaanka, iyo arrimo kale, iminkana waxaan dooneynaa inaan sii xoojinno" ayuu yiri wasiir Hadliye.

Wasiirka ayaa haatan ku sugan magalada Dubai, waxaana jira kulamo gooni-gooni ah oo dhexmarayay masuuliyiin ka qayb galay waloow aan la ogayn waxa looga hadlay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM