Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo.

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shir ballaaran oo looga hadlayo amniga guud ee dalka Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Cabdirashiid Xasan Nuur "Janan", wasiirka amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Shirka uu daah-furay wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Waxaa sidoo kale kulan lagu casuumay Wasiiradda amniga maamul goboleedyada dalka, waxaana looga hadlayaa sidoo la isaga kaashan lahaa sugida amaanka Soomaaliya, iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al Shabaab.

Inta uu socdo Shirkan waxay madaxda isla eegi doonaan qaabka ugu wanaagsan ee loo wajaho Al Shabaab, islamarkaana mas'uuliyadda amniga loogu wada shaqeyn lahaa, maadamaa AMISOM ka bixitaankeeda Soomaaliya uu billaabanayo Dec 31, 2017.

Waxaa la filayaa in gaba-gabada Kulanka ay sooo waaraan Wasiirada amniga qodobada ay ku heshiiyeen ee dhinac amniga ku saabsan, iyadoo dhaqan-gelintiisana loo saari doono Gudi ka shaqeeya, sida illo ku sugan Kismaayo ay u sheegeen GO.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM