Shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka oo ka furmay Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka Somalia ayaa ka furmay magaalada Muqdishu, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Dastuurka dowladda Federaalka Somalia.

Shirka waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Barlamanka, Ra'iisal Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Wasiirrada Dastuurka maamul goboleedyadda Somalia.

Wasiirka dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Shirka Furay ayaa sheegay in Kulanka Ujeedkiisu yahay in dowladda dhexe ay aruuriso aragtiyadda Maamullada ee ku aadan dib u eegista dastuurka.

Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Somalia Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas'uuliyiin kale oo kamid ah dowladda, ayaa ka qeyb-galaya Shirkaasi oo socon doono mudo saddex maalmood ah ayaa barnaamijkan soo dhaweeyay.

Wasaaradda Dastuurka Somalia, ayaa wadda dadaallo dib loogu eegayo dastuurka oo la filayo in wax laga bedelo, kadibna lagu meel mariyo afti dadweyne kahor doorashada sanadka 2021.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM