Shir looga hadlayo wax-qabadka Xukuumadda Somalia oo Muqdishu kasocda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somlia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda iyo diyaarinta qorshaha dowladda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda looga hadlay barnaamijkaas ka jeediyey khudbad uu kaga hadlayay tallaabooyinka lagu hormarin karo shaqada dowladda, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha,  Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadka  Midnimada Ummadda, Siyaasadda midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.

“Waa inaan shacabka dhexgalnaa  oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa  inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego  meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo,”Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Wasiirrada madasha ka soo qeybgalay ayaa hadalkiisa ku daray inay haystaan fursad wanaagsan oo dalka looga saari karo xaaladda adag ee lagu jiro.

“Maanta waxaad haysataan fursad Wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatada, isla markaana aad samaysaan tariikh lagu xasuusto Xukumadda, taana waxaad ku samayn karaysaan in aad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina,” Ayuu hadalkiisa kusii daray Ra’isal wasaaraha dowladda Somalia.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Somalia ay wado barnaamijyo lagu dar-dargalinayo shaqada dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM