Shir looga hadlayo wax-qabadka Xukuumadda Somalia oo Muqdishu kasocda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somlia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda iyo diyaarinta qorshaha dowladda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda looga hadlay barnaamijkaas ka jeediyey khudbad uu kaga hadlayay tallaabooyinka lagu hormarin karo shaqada dowladda, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha,  Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadka  Midnimada Ummadda, Siyaasadda midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.

“Waa inaan shacabka dhexgalnaa  oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa  inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego  meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo,”Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey Wasiirrada madasha ka soo qeybgalay ayaa hadalkiisa ku daray inay haystaan fursad wanaagsan oo dalka looga saari karo xaaladda adag ee lagu jiro.

“Maanta waxaad haysataan fursad Wanaagsan oo aad dalkiina uga saartaan dhibaatada, isla markaana aad samaysaan tariikh lagu xasuusto Xukumadda, taana waxaad ku samayn karaysaan in aad wada shaqayn wanaagsan yeelataan dhexdiina,” Ayuu hadalkiisa kusii daray Ra’isal wasaaraha dowladda Somalia.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Somalia ay wado barnaamijyo lagu dar-dargalinayo shaqada dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM