Shir u bilowday madaxda Jubaland, Puntland iyo musharaxiinta

Image
Image
Image
Image

MUQDIHSO, Soomaaliya – Shir u dhaxeeya Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madaxwayneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa Axada maanta ah wuxuu ka bilowday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ku qabsoomaya gudaha xeradda Xalane waxaa lagu gorfeynayaan xaaladihii ugu ee doorashooyinka si gaar ah khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyin xor iyo xalaal ah loona dhan-yahay.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam," ayay Madaxtooyadda Dowladda Puntland ku tiri qoraal ay ku daabacdey booggeeda Facebook.

Dhanka kale, Madaxtooyadda Jubaland ayaa qoraal ay soo saartey ku tiri: " Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani ayaa kulan la qaatay Midowga Musharaxiinta".

Wadahadalkan oo la fahansan yahay in uu ku kooban yahay hal maalin ayaa kusoo hagaagaya xilli la filayo in dhowaan uu shir u furmo madaxwayneyaasha maamuladda iyo hogaanka dowlada federaalka ah.

Is-araggaas ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee xalka loogu goobayo kala aragti-duwanaanta doorashooyinka Soomaaliya iyo in madaxwaynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uu qabto doorashooyin loowada dhan-yahay.

Madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa u muuqda kuwa mideynaya mowqifkooda kahor shirkaas maadaama musharaxiinta ay calaamad su’aal dulsaaran tahay in ay kasoo muuqan doonan diidmada hogaamiye Farmaajo awadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM