Shir warbaahinta looga hadlayo oo Muqdishu ka furmay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu ka furmay shir looga hadlayo arrimo ku saabsan la dagaallanka argagixisada iyo doorka warbaahintu ka qaadan karto, kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta Somalia.

Shirkan oo uu furay wasiirka wasaaradda Eng. Yariisow islamarkaana ay ka qayb galayaan, mas’uuliyiin kasocota wasaaradaha warfaafinta maamul goboleedyada qaybtood iyo shakhsiyaad katirsan dowladda dhexe, ayaa diiradda lagu saarayaa qodobo kala duwan oo sidoo kale ku jirto xeerka warbaahinta.

Muddo saddex bari ah ayuu kasocon doonaa caasumadda Somalia, waxaana dhanka Puntland uga qayb galay wasiir dowlaha wasaradda Warfaafinta Ashkir Nuur.

Dood ayaa laga samayn doonaa in isbadal lagu sameeyo xeerka warbaahinta Somalida oo dhawaan wariyaashu kala hadleen wasaaradda warfaafinta Somalia.

Shirka ayaa maanta ayaa ahaa khudbado iyo afkaaro kala qaadasho iyadoo la filayo in mudada uu socdo kasoo baxo qodobo ku saabsan waxyaabaha lagu hishiiyay.

 Wasaaradda warfaafinta Somalia, ayaa wada qorshe kor loogu qaadayo dhinaca wacyi galinta gaar ahaan khataraha Argagixisada.

Dhowr jeer oo hore warbaahinta Somalida ayaa sheegtay inay dhex-dheexaad ka ahaanayaa arrimaha ku saabsan ururka Al Shabaab, maadama ay jiraan cadaadisyo kala duwan.

Wariyaasha Somalida aya ku shaqeeya xaalad adag oo isugu jirta, dilal, cabsi, iyo cago juglayn kaga imaanaysa dhinacyada isku haya Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM