Shirka 3aad ee Rooble iyo Musharaxiinta oo bilowday

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareega saddexaad ee wadaxaajoodyadda Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya iyo Xukuumadda Xil-gaarsiinta ayaa ka bilowday Hotel Decale ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa dib-uga-dhacay waqtigii qorshuhu ahaa in uu bilowday oo ahayd fiidnimadii caawa oo Khamiis ah, iyadda oo wali aan fahfaahin rasmi ah laga bixin sababta keentay dib-u-dhacaas badan.

Illaa haatan, lama shaacin ajendaha shirka. Balse, wararku waxay tibaaxayaan in diiradda lagu saarayo heshiisyadii hore iyo qaabka loo fulinayo si gaar ah door ay musharaxiinta ku yeeshaan wadahadalada.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ajendaha ay ku jirto sugida ammaanka ee banaanabxa la qorsheynayo in musharaxiinta ay Sabtida ku qabtaan Muqdisho taasoo looga fadhiyo xukuumadda xil-gaarsiinta.

Wadahadaladii horey u qabsoomay ayaa qaatay saacado badan, iyadda oo aan la ogeyn waqtiga uu soo gabagabi doono shirkaan xilli ay xusid mudan tahay in xilli dambe uu bilowday shirka wareega 3aad.

Gabagabadda ayaa la filayaa in ay dhinacyadda soo saaraan qoraal ay ku cad yihiin natiijadda iyo qodobadda ay ka qeybgaleyaashu isla-meel-dhigeen mudadii uu kulankan xasaasiga ah uu socday.

Kahor kulankaan, musharaxiinta ayaa maanta aaladda Zoom-ka kula shiray Beesha Caalamka, iyaga oo isla gartay ay sii wadaan gorgortanka ay kula jiraan xukuumadda xil-gaarsiinta.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli uu maanta fashilmay kulan kale oo madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo isugu yeeray maamuladda kasoo Puntland iyo Jubaland ay si cad uga hor-yimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM