Wadahadalada Afasiyooni oo maalintii labaad galaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirka hogaamiyeyaasha Soomaalida ee xalka loogu raadinayo is-mari-waaga doorashooyinka ayaa lagu waddaa in uu galo maalintii labaad iyaddoo maalintii koowaad aanan wax horumar ah laga sameyneyn is-afgarad ay dhinacyaddu ka gaaraan ajandaha shirarka soo aadan.

Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa intii uu socdeen wadahadaladii shalay waxay soo bandhigeen mowqifkooda ku aadan in ajandaha shirka lagu daro warqada saxiixa in Farmaajo waqtiga ka dhacay iyo in ammaanka doorashooyinka ay is-faham buuxa ka gaaraan daneeyeyaasha.

Balse, madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa ku adkeystay in kaliya laga dodo fulinta heshiisyaddii doorashooyinka – ee kala dhacay 17-kii September iyo bishii Febraayo ee sanadkan aan ku jirno 2021-ka.

"Farmaajo wuxuu madaxda Puntland iyo Jubaland ku yiri ma jiraan wax kale oo laga wadahadlayo ee saxiixa heshiisyadaas," ayay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo si dhow ugu duun-daloola wadaxaajoodyada.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo guud ahaan madaxda Soomaalida u yeeshaan si fool ka fool ah muddo bilooyin ah kadib.

Hadalada la is-dhaafsaday

Iyaddoo la filayo in Axada maanta ay madaxdu mar kale miiska wadahadalado ku kulanto, waxaa la helayaa macluumaadyo ku geedaaman hadalada ay darafyadda is-dhaafsadeen intii lagu guda jiray maalinta koowaad.

Bogga Garowe Online ayaa ogaadey in madaxda HirShabelle iyo Galmudug ay ku doodeen in ay ayaga metelaan inta badan musharaxiinta iyaga oo soo carabaabay Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

"Annaga ayaa Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ku fadhiya kuraastooda oo metala," ayaa laga soo xigtay xubno ku dhow shirka oo intaas ku daray in inta badan dooda shirka u dhaxeysa Farmaajo, Axmed Madoobe, Qoorqoor iyo Guudlaawe, xubnaha kale ay dhageystaal ahaayeen.

Haddii maalinta labaad ee shirka soo dhamaado iyaddoo aan horumar laga sameyn qodobada la isku hayo, waxay u badan tahay in ay aad hoos ugu dhici karto rajada laga qabo in natiijo wax ku ool ah uu kasoo baxo shirka.

Tani ayaa dhabaha u xaari karta in Beesha Caalamka ay si buuxda ula wareegto qabashada iyo martigelinta kulanka isla markaana hogaamiyeyaasha Soomaalida looga yeero xerada Xalane halkaasoo ay ku shiri doonan iyaddoo fadhiga ay goobjoog ka yihiin qaar kamida diblumaasiyiinta dalalka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM