Shirka Afasiyooni oo maalintii 2aad ku idlaadey natiijo la'aan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Soomaalida ee maalintii labaad caasimada Muqdisho uga shiray masiirka doorashooyinka waqtigoodii lasoo dhaafay ayaa kulankooda uu soo dhamaadey natiijo la'aan.

Madaxda ayaa ku balantay in ay isku soo laabtaan maalinta Talaadada ee asbuucaan "kadib la tashiyo dhexdooda ah," sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo.

Kulankan oo qabsoomidiisa ay soo dedejisay cadaadis ka yimid wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa ah mid ay madaxda uga heshiineyso ajandaha wadahadaladda loo-dhan-yahay.

Falcelinta qaar kamid ah ka qeybgaleyaasha

Madaxtooyadda Jubaland oo qoraal kooban kasoo saartey kulanka maalintii labaad ayaa xaqiijisay in horumar ballaaran uusan jirin, balse waxay rajo ka muujisay in xal lagu gaari doono shirarka dambe.

"Madaxdu waxay sii wadi doonta wada hadalada hordhaca ah iyadoo laga wada arinsanayo sidii dalka loogu jihayn lahaa Doorasho loo dhan yahay," ayaa lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyada Jubaland.

Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland ayaa dhankiisa qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, wuxuu ku caddeeyay in shirka Talaadada uu qabsoomi kadib maalin wadatashi ah.

"Shirkii hordhaca ahaa ee u socday Madaxda Soomaaliyeed ayaa hadda soo dhammaaday, maanta oo ahayd maalinta labaad waxay Madaxdu ka hadleen Ajandaha Shirka Doorashada iyo arrimaha kale ee taagan," ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray: "Waxay ka wada hadleen qodobada muhimka u ah arrimaha doorashada, sida qabsoomida Shirka Doorashada iyo caqabadaha kale ee ku xeeran, Madaxda ayaa Berito soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah waxayna isu soo laaban doonaan Talaatada oo ah 06-da April 2021".

Qoorqoor oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah uu u socdaalo magaala madaxda maamulkiisa ee Dhuusamareeb, sidda ay wararku sheegayaan.

Qoorqoor ayaa ujeedka safarkiisa wuxuu yahay in uu soo cusbooneysiisto mudada dastuurka dowlad goboleedka u ogolaanayo in uu meel ka baxsan degaanada maamulkiisa uga maqnaado oo ah 45 casho.

"Arrintan waxay kamid ahayd qodobadii looga hadlay shirka Afasiyooni maalintii labaad, waxaana madaxda isla garatay in ay Qoorqoor soo cusbooneysiisto mudadaas isla galabnimada Isniinta uu kusoo laabto caasimadda Muqdisho si subaxda Talaadada uu shirka uga soo qeybgalo," ayay sheegeen illaha la hadlay mareegga Garowe Online.

Shirka Afasiyooni ayaa loo arkaa fursadii ugu dambeysay ee madaxda Soomaalida uga heshiinayaan is-mari-waaga doorashooyinka, iyaddoo haddii uu fashilmo ay sare u kici karto faragelinta Beesha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM