Shirka Amniga Qaranka oo dib u dhac uu ku yimid [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib udhac ayaa ku yimid shirkii Gollaha Amniga Qaranka ee lagu waday inuu maanta magaalada Muqdisho ka furmo, lana qorsheeyay inuu socdo 17-ka iyo 18-ka bishan, sida laga soo xigtay Villa Somalia illo ka tirsan.

Ma jiro waqti kale oo loo cayimay shirka inuu furmo, balse, waxaa xusid mudan in baaqashadiisa ay timid kadib markii maamul goboleedyadda oo uu Madaxwayne Farmaajo ugu baaqay inay yimaadaan Muqdisho ay shuruud ku xireen ka qeyb-galkiisa.

Maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo war qoraal ah si wadajir ah usoo saarey ayaa cod dheer ku sheegay inay kaliya miiska la fariisan karaan madaxda Villa Somalia marka la helo dhinac saddexaad oo dhex-dhaxaadisa.

Tani waxay ka dambeysay markii ay hogaamiye-yaasha gollaha Iskaashiga ku dhawaaqeen 8-dii bishan inay hakiyeen xiriirkii wadashaqayneyd ee kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, oo ay ku eedeeyeen inay fulin waysay heshiiyo hore iyo faragelin.

Dowladda Soomaaliya si toos ah ma aysan uga jawaabin eedeynta maamul goboleedyada ee ah inay ku fashilantay amniga, fulinta go'aano laguu gaarey shirarkii hore iyo inay faragelin joogto ah ku hayso arrimaha gudaha ee maamuladda.

Balse, Farmaajo ayaa saacado kadib War-murtiyeedka soo saarey qoraal kaasoo uu Madaxda maamuladda ugu baaqayo shir deg deg ah oo Gollaha Amniga Qaranka ah, kaasoo uu ku sheegay wadatashi, balse haatan uu umuuqda mid aanan qabsoomi karin.

Khilaafkan ayaa soo dedajiyay in Aqalka Sare oo wakiil ka ah maamul goboleedyada inuu soo farageliyo, islamarkaana wafuud u kala diro xarumaha maamuladda, kuwaasoo markii ugu horeysay gaarey caasimada Puntland ee Garoowe, shalay oo Axad ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM