​Shirka golaha wasiirrada Somalia oo arrimo kala duwan looga hadlay

Image

Muqdisho, 21 July 2016- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa, waxaana shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxame Cumar Carte, shirka ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin qorshaha amniga doorashooyinka, iyo heshiisyada Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa golaha u soo gudbisay qorshaha amniga doorashooyinka ee dalka uu wajahayo sanadkan, qorshaha oo qeybo badan ka koobnaa ayeey golahu ka doodeen.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka mudane Axmed Cali Daahir oo shirka ka soo qeeybgalay ayaa sheegay in hey’adaha sharciga ay soo diyaarinayaan ka hortaga danbiyada ay ku kici karaan dadka sida musuq-maasuqa, laaluushska iyo ku tagri-falka awoodeed inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Mudane Maxamed Mukhatar ayaa golaha u soo gudbiyay diyaarinta heshiiska wadaagga shidaalka ee Soomaliya iyo shirkadaha shidaalka.

Ugu dambeyntii Golaha wasiirda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi u diray dadkii lagu laayay tuulada War-diile ee gobolka Baay, waxeeyna u magacaabeen gudi ka kooban Wasaaradaha gaashaandhiga, arrimaha gudaha, iyo amniga gudaha si ay iyagoo kaashanayo maamulka koonfur-galbeed ay warbixin sugan ugu soo gudbiyaan Xukuumada Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM