​Shirka golaha wasiirrada Somalia oo arrimo kala duwan looga hadlay

Image

Muqdisho, 21 July 2016- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa, waxaana shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxame Cumar Carte, shirka ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin qorshaha amniga doorashooyinka, iyo heshiisyada Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa golaha u soo gudbisay qorshaha amniga doorashooyinka ee dalka uu wajahayo sanadkan, qorshaha oo qeybo badan ka koobnaa ayeey golahu ka doodeen.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka mudane Axmed Cali Daahir oo shirka ka soo qeeybgalay ayaa sheegay in hey’adaha sharciga ay soo diyaarinayaan ka hortaga danbiyada ay ku kici karaan dadka sida musuq-maasuqa, laaluushska iyo ku tagri-falka awoodeed inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Mudane Maxamed Mukhatar ayaa golaha u soo gudbiyay diyaarinta heshiiska wadaagga shidaalka ee Soomaliya iyo shirkadaha shidaalka.

Ugu dambeyntii Golaha wasiirda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi u diray dadkii lagu laayay tuulada War-diile ee gobolka Baay, waxeeyna u magacaabeen gudi ka kooban Wasaaradaha gaashaandhiga, arrimaha gudaha, iyo amniga gudaha si ay iyagoo kaashanayo maamulka koonfur-galbeed ay warbixin sugan ugu soo gudbiyaan Xukuumada Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM