Shirka Gollaha Dhaqaalaha Qaranka oo Muqdisho lagu daah furay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha Dalka iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa soo bandhigay Daraasado ku aadan halka uu marayo dhaqaalaha dalka xiligan iyo sidii loo jiheyn lahaa, iyadoo Wadajir la iskaaga kaashanayo sidii loo hormarin lahaa ilaha Dhaqaalaha loogana gudbo Waxyaabaha caqabadaha ee hortaagan hormarka Dhaqaalaha Dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin lahaa, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay sameysay isku tashi.

Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa si gaara diiradda u saareysa Qodobo ay ka mid yihiin Kobaca Dhaqaalaha, Hanaanka loo hirgalin karo, Maalgahshiga dalka, La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Sidii looga qeyb qaadan lahaa hindisahaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM