​Shirka IGAD oo furmaya iyo wufuud Muqdishu soo gaartay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia- Waxaa lagu wadaa Saacadaha soo aadan in Muqdisho ka furmo Shir madaxeedka IGAD, kaasi oo diyaar-garowgiisa Maalmahan si aad ah looga dareemay caasimda Soomaaliya.

Shirka IGAD ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Hogaamiyaasha Dalalka Geeska Africa, waxayna uga hadlii doonaan Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Qalalaasaha Siyaasadeed ee South Sudan iyo Doorashada Somalia.

Ra'iisul wasaaraha dowldda Eithiopia Hailemariam Desalegn iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhow soo gaarey Muqdisho, si uu uga qeybgalo Shirka IGAD.

Hailemariam Desalegn, ayaa wuxuu kamid yahay Madaxda Dalalka Geeska Africa, ee ka qeybgalayo Shir Madaxeedka 53-aad ee dowladaha Ururkaasi.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada IGAD, oo ay ugu horeeyaan kuwa Ugnada, Kenya iyo Djibouti ayaa sidoo kale yimid Muqdisho oo amnigeeda aad loo adkeeyay.

Calamada dalalka  Kenya, Uganda, South Sudan, Sudan, Djibouti, iyo Ethiopia ayaa lagu xiray Wadooyinka waawayn, Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoysyada Muqdisho,taasi oo qeyb ka ah soo dhawaynta Shirka IGAD.

Waa Markii ugu horeysay Mudo 30 sano ah, oo Somalia ay martigeliso Shir Madaxeedka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Abdisalam Omer Hadliye ayaa ku tilmaamay Shirka IGAD ee ka dhacaya Muqdisho mid taariikhi ah, oo muujinaysa inay Somaliya amni tahay, oo dib usoo laabanayso.

Wufuud hordhac ah ayaa soo gaaray, waxaan sida naloo xaqiijiyay yimid mas'uuliyiin kasocota Kenya iyo Jabuuti.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay 5-tii Maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana la joojiyay gebi ahaanba Gaadiidka dadwynaha, ee isticmaali jiray Wadooyinka bartamaha Magaalada ku yaallo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM