Shirka IGAD oo lagusoo qaaday arrimaha Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Shir madaxeedka IGAD oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa looga hadlay arrimaha Somalia iyo Suudaanta Koonfureed iyadoo qodobo kasoo baxay lagu dhiiri galiyay in kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka.

Kulanka 29-aad ee madaxda ku bahoobay IGAD, oo ku qayb galay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa lagu ammaanay doorashooyinka dadban ee Somalia, kasocda waxaana mahad-celin loo soo jeediyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalida ee amniga sugayay.

Waxaa sidoo kale baaq kasoo baxay shirkaas lagu dalbaday in kor loo qaado dhaqaalaha waddanka iyo in xayiraadda laga rogo xawaaladaha Somalida oo la sheegay in dad badan ku tiirsanyihiin.

Madaxda IGAD, ayaa sidoo kale ammaantay kaalinta dowladda Somalia ku yeelatay caalamka gaar ahaan xiriirada dibadda iyagoo sheegay in loo baahanyahay sidii loo sii joogtayn lahaa.

Mudadii uu kulanku socday, waxaa madaxda IGAD sheegeen in loo baahanyahay qorshe kor loogu qaadi karo dhoofka xoolaha nool ee loo iib geeyo Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carbeed, taasoo la lagu macneeyay inay ka faa'iidaysan doonaan dad badan oo Somali ah islamarkaana horseedi karto in dhaqaalaha waddanka colaaduhu la dageen uu kor u kaco.

Mar aad loo falanqeeyay doorashada dalka ka dhici doonta bishan, hogaamiyaasha urur goboleedka IGAD, ayaa guddiga doorashooyinka iyo maamullada ka codsaday in dalkan helo hogaan rasmi ah intaan la gaarin 2017.

Shirkan ayaa sidoo kale baaq nabadeed loogu diray dhinacyada isku haya dalka yar ee Suudaanta Koonfureed, waxayna waddamada gobolku ballanqaadeen inay wax kasta ku bixin doonaan sidii dalkaasi looga dhalin lahaa xasilooni siyaasadeed oo waarta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM