Shirka ka dhacay Villa Soomaaliya oo laga warbixiyey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa fahfaahin waxay ka bixisay shir maanta ku qabsoomay Villa Soomaaliya oo looga hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka 2020-21.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, kulankaas wuxuu horudhac u ahaa Shirka Wadatashiga Qaranka ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo uu isugu yeeray maamuladda.

Fadhiga waxaa goobjoog ahaa madaxwayneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda waqtiga ka dhamaadey Mr Rooble.

Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland oo laf-dhabar-u-ah qabsoomida doorashooyinka iyo xalinta muranka ka taagan coddeynta heer qaran ayaan xaadirin shirkaan maanta ka dhacay Muqdisho.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka," ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed".

"Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna".

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka".

Kulanka ay qaateen madaxda dowladda iyo maamuladda waxaa ka horeeyay fadhi kale oo gaar ah oo ay la yeeshay wakiilka UN-ka, James Swan, kaasoo berri warbixin siinaya Golaha Ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM

Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 04:59AM