​Shirka Kismaayo oo dib u dhac ku yimid

Image

KISMAAYO, Somaliya - Waxaa dib u dhac weyn uu ku yimid Shirkii la filyay in maanta [4-ta October] ka furmo magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Sarkaal katirsan Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada, ay yeesheen xalay Kulan qadka Taleefoonka ah, kaasi oo ay isku afgarteen in Kulanka laga dhigo maalinta Axad ee soo socota [9-ka October, 2017].

Waxa uu sarkaalkan intaasi ku daray in Madaxda maamul goboleedyada, Puntland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Jubbaland isku raaceen in dib loo dhigo Shirka, illaa laga xalinayo Khilaafka ka taagan Galmudug.

Waxay ku baaqeen in mudo 3 maalmoo gudahooda ah lagu dhameeyo dhamaan khilaafaadka u dhaxeeyaa Madaxda sare, ee maamulka Galmudug, si Shirka Kismaayo u noqdo mid miro-dhal ah.

Maxamed Axmed Sabriye, Agaasiimaha Xiriirka Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale xaqiijiyay dib u dhigista Kulanka.

Wararka ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan ka qeyb-gali doonin Shirka Kismaayo, kaasi oo ku baaqay in la isagu yimaado Madaxweyne Axmed Madoobe, si dalka khilaafka ka jira loo dhameeyo.

Dowladda Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay sameynayo dedaallo ay ku baajinayso Kulanka Kismaayo, oo qabsoomidaasi ay kasoo horjeedo, maadaama Madaxda qaar ay hareer mareen go'aankii ay ka qaadatey Khilaafka Wadamada Khaliijka.

Si kastaba, Shirka Kismaayo ayaa loo balansan yahay inuu furmo Maalinta Axad ah ee Todobaadka nagu soo aadan, waxaana Xafiiska QM ee UNSOM uu isku dayayaa in dowladda Federaalka ka qeyb-gasho kulankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM